WARBIXIN: Real Madrid Oo Wada Qorshihii AY Isco Uga Dhigi Laheyd Xiddiga Dunida Ugu Qiimaha Sareeya (TOlow Waa Sidee??)

WARBIXIN: Real Madrid Oo Wada Qorshihii AY Isco Uga Dhigi Laheyd Xiddiga Dunida Ugu Qiimaha Sareeya (TOlow Waa Sidee??)

Real Madrid ayaa durba difaac ku aruurtay ka dib markii ay aragtay PSG oo 222 milyan oo euros kula wareegeysa garabkii kooxda Barcelona Neymar JR, waxayna Los Blancos haatan bilowday inay ka taxadarto ciyaartoydeeda iyadoo dhigeysa qorsheyaal ay ku ceshaneyso.

Sida laga soo xigtay majaladda AS ee dalka Spain, Real Madrid ayaa qandaraas afar sanno ah la meeldhigtay Isco waxaana uu xornimo u heystaa inuu sannad shanaad ku daro. Isco wuxuu sannadkii mushaar ahaan u qaadan doonaa lix milyan oo euros.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa waxay qandaraaskiisa ku dartay shuruud dhigeysa in lagu burburin karo 700 milyan oo euros.

Siyaasaddaan cajiibka ah waxaa dejiyey madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez oo kooxdiisa ka ilaalinaya wixii ku dhacay Barcelona oo kale – waxaana la yaab leh in qandaraaska Lionel Messi uu kula jiro Barcelona lagu burburin karo 300 milyan oo euros, halka Isco qandaraaskiisa cusub lagu kansali karo 700 milyan oo euros.

Florentino Perez ayaana ah shaqsi marwalba bixiya qiimaha qandaraaska ciyaartoyda lagu burburin karo, waxaana uu sidaan oo kale ku keenay Los Blancos Luis Figo, Gareth Bale, Zinedine Zidane, Cristiano Ronaldo, David Beckham iyo xiddigo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.