XASAASI: Muxuu Macalin Conte Ka Yiri Arinta DHaawaca Hazard (War Culus Ayaa Ka Soo Baxaya!!)

XASAASI: Muxuu Macalin Conte Ka Yiri Arinta DHaawaca Hazard (War Culus Ayaa Ka Soo Baxaya!!)

Eden Hazard ayaa gabi ahaan ka soo muuqan kulamada ay Chelsea isugu diyaarineysay kal ciyaareedka cusub maadaama uu ku maqnaa dhaawac canqowga ah oo ka soo gaaray mar uu ku jiray waajibaadka xulkiisa dhammaadka kal ciyaareedkii tagay.

Laacibka reer Belgium oo waqtigiisii ugu qurxoonaa Chelsea la qaatay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kaddib markii uu ku hogaamiyay Premier League markii labaad saddex sano gudahood ayaa markii hore la sheegay inuu dib ugu soo laaban doono garoomada bisha September, balse Conte ayaa iminka u muuqda inuu duugay rajadaa.

“Way adag tahay in la sheego waqtiga ama taariikhda uu soo laabanayo, aad iyo aad ayay u adag tahay,” Conte ayaa sidaa yiri oo kulankiisii furitaanka Premier League maanta la ciyaari doona Burnley.

Saxiixa cusub ee Blues Tiemoue Bakayoko ayaa isna weli diyaar ahayn maadaama uu ka soo kabanayo dhaawac jilibka ah, halka Pedro uu isna kulanka uga maqnaan doono dhaawac iyo waliba ganaax.

Victor Moses isna wuu maqnaan doonaa kaddib kaarkii casaa uu qaatay final kii FA Cup, Conte ayaana qishay inuu ku soo bilaabi doono daaficiisa cusub ee Antonio Rudiger, kaa oo ay 34 milyan oo bound kaga soo iibsadeen AS Roma.

Leave a Reply

Your email address will not be published.