XASAASI: Tottenham Oo Runta Indhaha Ka Saartey Barcelona, Iyadoona…………..

XASAASI: Tottenham Oo Runta Indhaha Ka Saartey Barcelona, Iyadoona…………..

Kooxda Tottenham ee dalka ingiriiska ayaa culayska ku sii badisay Barcelona kadib markii ay diiday inay ka iibiso kubadd sameeyahooda reer Denmark ee Christian Eriksen.

Barcelona ayaa wadahal ku aadan saxiixa Eriksen la furtay Tottenham kadib markii ay culays xoogan kala kulmeen Liverpool oo diiday inay ka iibiso Coutinho.

Express ayaa baahisay in Barcelona ay diyaarsatay 54 milyan oo Ginni si ay ugu qancisoTottenham iibka laacibkooda 25 jirka ah.

Laakiin madaxwaynaha kooxda Tottenham ayaa ku wargaliyay tababare Pochettino inuusan ogolaan in kooxdu ay iska fasaxdo ciyaaryahan kale xaggaagan kadib Kyle Walker oo 50 milyan ugu biiray Man City.

Christian Eriksen ayaa xili hore sheegay inuu ku riyoodo u ciyaarida Barcelona, laakiin diidmada Tottenham ayaa dhibaato ku noqon karta inuu rumeeyo riyadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.