FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Manchester United Vs West Ham United, Isagoona……….

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Manchester United Vs West Ham United, Isagoona……….

Jose Mourinho ayaan qabin wax dhaawacyo cusub ah kulanka Manchester United furitaanka horyaalka Premier League ku wajaheyso kooxda West Ham.

United, ayaa ku dhameysatay kaalinta shanaad xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxay u soo baxday tartanka Champions League markii ay ku guuleysatay Europa League, waxaana ay doonayaan kulankaan in ay guul ku furtaaan horyaalka.

Waxay ku qarashgareeyeen suuqa lacag badan, iyagoo lasoo wareegay seddexda ciyaartooy ee Romelu Lukaku, Nemanja Matic iyo Victor Lindelof , halka West Ham ay sidoo kale dib u dhis xoogan sameeyay .

Joe Hart ayaa amaah ku jooga, halka Pablo Zabaleta, Marko Arnautovic iyo weeraryahankii hore ee United Javier Hernandez sidoo kale ku biireen kooxd ka dhisan London Stadium.

Kooxda Slaven Bilic ayaa ku dhameysatay kaalinta 11-aad xilli ciyaareedkii hore, iyadoo 17 dhibcood ka hooseyay dhibcihii ay uruursadeen xilli ciyaareedkii kasii horeeyay.

OGEYSIIS

Saacada: 06: 00 pm

Garoonka: Old Trafford

Garsoore: Martin Atkinson

MAXAA CUSUB?

Luke Shaw, Ashley Young iyo Marcos Rojo ayaa weli dhaawac muddo dheer ah kaga maqan kooxda Manchester United.

Eric Bailly iyo Phil Jones oo ganaax ku seegay kulankii UEFA Super Cup ee ay guuldarada ka soo gaartay Manchester Unitede kooxda Real Madrid ayaa diyar u ah kulanka furitaanka Premier League.

West Ham ayaa rajeyneysa in daafacooda Aaron Cresswell diyaar u noqdo kulanka furitaanka horyaalka Premier League.

Kabtan Mark Noble ayaa qaba dhibaato yar oo uu ku seegay tababarka kooxda, laakiin Michail Antonio ayaan garoomada ku soo laaban doonin kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulan kooxdiisa wajaheysay Everton.

Weeraryahanka cusub ee West Ham Hernandez ayaa laga yaabaa inuu kasoo muuqdo kulanka kooxdiisii hore, halka saxiixyada kala ah Hart, Zabaleta, Arnautovic iyo da ‘yarka Sead Haksabanovic ay sidoo kale ku soo bilaabi karaan kulanka Hammers.

Weeraryahanada Andy Carroll, Diafra Sakho iyo xiddigaha qadka dhexe ee  Lanzini iyo Cheikhou Kouyate ayaa seegi doona kulankaan kooxda West Ham.

XAQIIQOOYIN

Saddex ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee udhaxeeyay labada kooxood ayaa ku dhamaaday barbaro, iyadoo min hal kulan ay iska badiyeen.

United ayaan laga badinin sagaalkii kulan ee ugu dambeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay West Ham, iyadoo guuldarradii ugu dambeysay garoonkeeda kaga soo gaartay Hammers timid maalintii ugu dambeysay xilli ciyaareedkii 2006-07.

Ma jirto koox ka guulo badan kulamada furitaanka horyaalka Premier League United, waxay badisay 16 jeer waana heer lamid ah Chelsea.

Jose Mourinho ayaa badiyay todobo kamid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay furitaanka horyaalka Barclays Premier League isagoo tababare ah.

Lukaku ayaa 7 gool oo Premier League ah u dhaliyay Everton oo wajaheysay West Ham intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2016, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto kulankiisii ugu dambeyay ee uu wajahay Hummers bishii April ciyaar ka dhacday London Stadium.

Hernandez ayaa dhaliyey 37 gool 103 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Manchester United.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Manchester United: De Gea; Valencia, Jones; Bailly, Darmian; Herrera, Matic, Pogba; Mkhitaryan, Lukaku, Martial

West Ham United: Hart; Zabaleta, Reid, Ogbonna, Cresswell; Noble, Obiang; Antonio, Lanzini, Arnautovic; Hernandez

Leave a Reply

Your email address will not be published.