FARXAD: Macalin Zidane Oo Kooxdiisa Iyo Taageerayaasha Kooxdiisaba Ka Farxiyey (Muxuu Tolow Sameeyey??)

FARXAD: Macalin Zidane Oo Kooxdiisa Iyo Taageerayaasha Kooxdiisaba Ka Farxiyey (Muxuu Tolow Sameeyey??)

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa heshiis cusub oo seddex sanno ah u saxiixaya kooxda heysata horyaalka yurub iyo kan Spain.

18 bilood oo uu macalin u ahaa ciyaaryahankii hore ee Real Madrid kooxda Los Blancos waxa uu ku guuleystay labo Champions League iyo hal La Liga.

Isagoo ka hadlayay kulanka lugta hore ee Spanish Super Cup ku wajahayaan kooxdiisa Barcelona, wuxuu yiri: “Sheekadayda Real Madrid waxay ka qoto dheer tahay heshiisyada iyo saxiixyada.

“Waan ku faraxsanahay inaan xiriir la leeyahay kooxda, laakiin qandaraasku macnahiisu maahan wax walba in ay yihiin guul.

45-jirkaan oo hore ugu soo ciyaaray xulka France, ayaa soo maamulay kooxda Real B ka hor inta uusan bedelin Rafael Benitez bishii January 2016.

wuxuu yiri: “Waxaad saxiixi kartaa 10 ama 20 sanno, waan ogahay halka aan joogo iyo waxa aan sameynayo.

“Sannado badan oo guulo la,aan ah halkan ma joogi doono, Real Madrid iyo anigu ma doonayo inaan doodno marnaba ayuu hadalkiisa ku daray.”

Kulanka Real Madrid la ciyaareyso Barcelona ayuu ku sheegay mid muhiim u ah kooxdiisa, isagoo ugu baaqay ciyaartooydiisa in ay iska ilaaliyaan dhibaatada kaga imaan karta kulankaan lugta hore ee Spanish Super Cup kooxda Bulgarana.

Leave a Reply

Your email address will not be published.