Maxaa ka jira wararka sheegaaya in Mukhtaar Roobow uu isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed

Maxaa ka jira wararka sheegaaya in Mukhtaar Roobow uu isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed

Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay xaqiijiyeen inuu isa soo dhiibay Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo sanado ah ku sugnaa deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Booliska gaarka ah ee Maamulka koonfur Galbeed Shiine Macalin Nuurow oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay ciidamada Koonfur Galbeed inay si nabadgelyo ah ku soo dhaweeyeen Abuu Mansuur.

“Wuu isa soo dhiibay Roobow Xudur, ayaana hadda joognaa si nabad ah ayuuna ku joogaa wadaadka.” Ayuu yiri Shiine Macalin Nuurow Taliyaha Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed uu isku soo dhiibay wadaadka lagu magacaabo Abuu Mansuur.

Wuxuu sheegay xaalad nabadgelyo ah  inuu ku sugan yahay, haddana qorshaha uu yahay in masuuliyiinta Koonfur Galbeed Shir jaraa’id ay wada qabtaan.

“Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo sanadihii dambe ku sugnaa deegaanka Abal, ayaa saaka go’aansaday inuu saaka isku soo dhiibo Maamulka Koonfur Galbeed ee garabka Militari ka helaayo ciidanka Dowladda, Abal ayuu iska soo dhiibay ciidanka dowladda ayuu hadda la socdaa.” Ayuu yiri Afhayeenka

Leave a Reply

Your email address will not be published.