OGOW: Muxuu Ka Dhignaa Noocii Dabaaldeg Ee Uu Lacazette Sameeyey Kadib Goolkii Uu Dhaliyey Habeen Hore??

OGOW: Muxuu Ka Dhignaa Noocii Dabaaldeg Ee Uu Lacazette Sameeyey Kadib Goolkii Uu Dhaliyey Habeen Hore??

Weeraryaahnka cusub ee kooxda kubada Cagta Arsenal Alexandre Lacazette ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabkii uu dabaal dega u sameeyey kulankii koowaad ee Horyaalka Premier League ee uu u Safto Naadigiisa Cusub.

Alexandre Lacazette oo Arsenal ka soo qaadatay Kooxda dalka France ee Lyon markii ay bixiyeen lacag Record ahayd oo gaareysa £52million ayaa Taabashadii labaad ee kubada Kulankii Leicester City Gool ku dhaliyey isaga oo aan u dabaal degin qaabkii looga bartay.

Xiddigaan oo kooxdiisii hore ee Lyon u dhaliyey 137 Gool ayaa lagu yaqaanay in uu dabaal deg u sameeyo si waali ah oo farxadi ka muuqato isaga oo ku dhex ordi jirey Garoonka balse Jimcihii waxa uu sameeyey in uusan siweyn ugu farxin Goolka halkiisiina uu ku dabaal dego.

Lacazette ayaa shaki kasaaray Taageerayaasha Arsenal oo isla qaaday in uusan ku faraxsanayn kooxda balse waxa uu sheegay in Sababta uu sidii looga bartay ugu dabaal dagi waayey ay ahayd Cayaarta oo bilaaw ahayd wax kastana laga filan karayey weyna dhacday ayuu yiri sababtoo ah Goolal ayaan Nalaka daba keenay Markiisa waxaa kaloo uu yiri hadii aan Gool dhalin lahaa 88 daqiiqo siweyn ayaan u dabaal dagi lahaa laakiin Micno samayn meyso daqiiqada koowaad in aad Gool u dabaal degto aadan ogeyn in uu Guul u keeni karayo kooxdaada.

Ninkaan ayaa Tusaale u soo qaatay qaabkii uu ugu faraxay Goolkii uu dhaliyey Olivier Giroud kaas oo ahaa mid 3 da dhibcood u Xaqiijiyey kooxdiisa Arsenal markii uu badal ku soo galay ayuuna Xiddiga dalka France Goolka Guusha kulankii ay Leicester City kaga badiyeen 4-3.

Leave a Reply

Your email address will not be published.