SUUQA: Chelsea Oo Kadib Xanuunkii Shalay Gurmad Doonatey (TOlow Yeey Doonatey??)

SUUQA: Chelsea Oo Kadib Xanuunkii Shalay Gurmad Doonatey (TOlow Yeey Doonatey??)

Chelsea yaa la warinayaa inay usbuucan gudihiisa dalab labaad ka gudbin doonto xiddiga qadka dhexe ee Leicester City Drinkwater.

Kooxda lagu naaneyso Foxes ayaa ka soo diiday Blues dalab hore oo ku kacayay 15 milyan oo bound.

Balse taa ma aysan niyad jabin Chelsea oo warsidaha Telegraph waxa uu sheeganayaa in Conte uu qorsheynayo inuu ka gudbiyo dalabkii labaad maalmaha yare e soo socota.

Tababaraha reer Talyaani ayaa kula laaban doona Leicester City dalab dhan 25 milyan si uu Drinkwater qadka dhexe dib ugula mideeyo saaxiibkii hore ee Kante.

Labada laacib ayaa laf dhabar u ahaa Foxes sanad ciyaareedkii 2015/16 kolkaa ay si lama filaan ah ku qaadeen Premier League.

Leave a Reply

Your email address will not be published.