WARBIXIN: Barcelona Oo Hazard U Weecatey Iyo CHelsea Oo Lacagaha Ay Ku Qaadan Karaan U Sheegey (Tolow Waa Imisa??)

WARBIXIN: Barcelona Oo Hazard U Weecatey Iyo CHelsea Oo Lacagaha Ay Ku Qaadan Karaan U Sheegey (Tolow Waa Imisa??)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegtay Barcelona inay la saxiixi karaan xiddiga garabka uga ciyaara ee Eden Hazard haddii ay bixiyaan lacag gaareysa £ 109million xagaagaan.

Barcelona ayaa lala xiriirinayey inay u dhaqaaqeyso garabka kooxda Chelsea Eden Hazard isbuucyadii ugu dambeyay.

Ernesto Valverde kooxdiisa ayaa weli raadineysa bedelka Neymar oo ugu biiray£ 198million kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Paris Saint-Germain laba isbuuc ka hor.

Wararka ayaa sheegaya in Hazard uu ku jiro liiska ciyaartoyda bedelka u ah Neymar, inkastoo xiddiga reer Belgium door bidayo u ciyaarista kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Real Madrid.

Barcelona ayaa diirada saareysa xiddiga Liverpool Philippe Coutinho, waxaana laga yaabaa in ay ku qarsh gareeyaan saxiixiisa lacag sare ka hor xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga.

Diario Gol ayaa sheegtay in Chelsea ay u furtay Barcelona saxiixa Hazard, waxaase uu u dhaqaaqi doonaa Nou Camp hadddii la bixiyo lacag dhan £ 109m.

Hazard ayaa noqon doona markaas ciyaaryahankii labaad ee ugu qaalisan taariikhda, waxaana uu ka dambeyn doonaa kaliya Neymar oo ku biiray PSG.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegeysa in Blues ay diyaar u tahay xitaa in heshiiska lagu daro Sergi Roberto oo bartilmaameed u ah macalin Conte.

Antonio Conte ayaa la rumeysan yahay inuu indhaha ku hayo saxiixa Sergi Roberto oo sanadkii hore wacdaro ka dhigay Barcelona.

Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqeyso Roberto, kaasoo ka ciyaari kara daafaca midig iyo qadka dhexe.

Dhanka kale, Hazard ayaa weli ka shaqeynaya sidii uu taam ahaanshihiisa rasmiga ah ku heli lahaa xili ciyaareedkaan.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa seegay kulankii Blues guuldarro 3-2 ah ka soo gaartay furitaanka Premier League kooxda Burnley.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.