WARBIXIN: Sidee Iyo Halkee Ayuu Mustaqbalka Martial Ee Manchester United Ku Danbeyn Doonaa??

WARBIXIN: Sidee Iyo Halkee Ayuu Mustaqbalka Martial Ee Manchester United Ku Danbeyn Doonaa??

Laacibka reer France Anthony Martial ayaa dib u helay kalsoonidii ka maqneyd wuxuuna dhaliyay labo gool labada kulan ee ugu dambeesay EPL asigoo badal kusoo galay.

Hadaba macalin Jose Mourinho ayaa xidigaan xaaladiisa ka hadlay wuxuuna yiri “Anthony Martial si adag ayuu u shaqeenaya, hadana wuxuu helay kalsoonidii uu u baahnaa”

“Sidoo kalena luqada Faransiiska saaxiibadiisa kula hadlaan wey caawiyaan sida Pogba oo kale waxaana kalsooni weyn ku qabaa inuu wax badan Man United u qaban karo”

Dabcan waa markii ugu horeesay Mourinho laga qabto ereyo uu ku amaanayo hormar Martial sidoo kalena ku sheegay inuu yahay cayaaryahan Old Trafford mustaqbal ku leh.

Kooxda Man United xagaagan sedex dalab oo kala duwan ayay ka heshay naadiga PSG, Tottenham iyo Inter Milan oo dhamaantooda doonayeen Anthony Martial balse waa lagu gacan seeray dalabyadaas.

Sidoo kalena Anthony Martial isaga ayaa muujiyay inuu United sii joogayo kadib markii uu barta Instagram-ka soo dhigay asigoo maaliyada Man United farta ku fiiqayo calanka kooxda ugana dan leeyahay inuu United jecel yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.