SUUQA: AS Monaco Oo Dooneysa Xiddig Aad Manchester United Ugu Muhiimsan In Ay Soo Qaadato (Tolow Waa Kee??)

SUUQA: AS Monaco Oo Dooneysa Xiddig Aad Manchester United Ugu Muhiimsan In Ay Soo Qaadato (Tolow Waa Kee??)

Iyadoo inta badan xiddigaha Monaco doorteen in ay u dhaqaaqaan Premier League, kooxda France ka dhisan ayaa haatan raadineysa inay xoojiso weerarkeeda.

AS Monaco ayaa dooneysa inay dib ula soo saxiixato weeraryahanka Manchester United Anthony Martial, Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Express.

Anthony Martial ayaa ku fashilmay inuu ku riyaaqo United xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay markaasoo laga doortay Marcus Rashford.

Si kastaba ha ahaatee, Mourinho ayaa ku faraxsan hadda qaab ciyaareedka Martial oo dhaliyay labo gool midna caawiyay labadii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedkan Premier League.

Tottenham, Inter iyo Arsenal ayaa sidoo kale xiiso u qaba 21 jirkaan oo noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan United xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid ku wajahan Paris Saint-Germain, taasina waxa ay ku qasbeysaa AS Monaco inay raadiso bedelkiisa.

Tababare Leonardo Jardim ayaa rajeynaya in Martiali gacan ka geysan karo dib u dhiska xoogan ee lagu sameynayo kooxda Monaco.

AS Monaco ayaa sidoo kale lasocta xaalada weeraryahanada kale ee Premier League Diego Costa iyo Alexis Sanchez.

Leave a Reply

Your email address will not be published.