WAR CUSUB: Muxuu Macalin Zidane Ka Yiri Qorshihiisa Suuqa Kala Iibsiga Ka Hor Inta Uusan Xirmin?? (War Cusub Ayaan Idinkaga Wadnaa)

WAR CUSUB: Muxuu Macalin Zidane Ka Yiri Qorshihiisa Suuqa Kala Iibsiga Ka Hor Inta Uusan Xirmin?? (War Cusub Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa saxaafada kaga xog warmay in kooxdiisa weeraryahan kale soo qaadan doonto ka hor inta uusan suuqa Yurub xirmin.

Zidane kooxdiisa xagaagan waxay lumisay Alvaro Morata oo naadiga Chelsea ku biiray waxayna Madrid u baahan tahay gool dhaliye inay soo qaadato.

Laakiin macalin Zinedine Zidane sidaas wax uma arko wuxuuna yiri “Ma doonayo weeraryahan kale waxaan heestaa Mayoral oo aan rabo xili cayaareedkan inana fursad dheeraad ah siiyo”

“Mayoral sanadkaan wuxuu u yahay sanad uu wax badan baran karo sidoo kalena waxaan ka rajeynaa inuu diyaar u noqon doono marwalbo oo aan u baahano”

Dhinaca kale Zidane ayaa xaqiijiyay in Rapheal Varane uu seegi doono kulanka Axada Real Madrid wajihi doonto naadiga Valencia.

Wuxuuna macalin Zidane yiri “Varane wuxuu rabaa inuu kulanka Valencia cayaaro balse dhaawac ayuu qabaa sidaa darteed halis ma galin doono xaaladiisa, xitaa hadii Varane iyo Ramos maqan yihiin cayaartooyda kale ayaa shaqadooda qabsan doonaan”

Leave a Reply

Your email address will not be published.