NATIIJOOYINKA: Manchester United Oo Xaaqdey Dhigooda Crystal Palace, Iyagona…………..

NATIIJOOYINKA: Manchester United Oo Xaaqdey Dhigooda Crystal Palace, Iyagona…………..

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa 4-0 uga badisay naadiga Crystal Palace kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo ay ku soo dhawaysay garoonkeeda Old Trafford.

Daqiiqaddii 3-aad ee bilowgii ciyaarta ayay Man United la timid goolka koowaad ee dheesha, waxaana u dhaliyey Juan Mata, kaddib markii uu si wacan u dhammaystiray baas qurux badan oo uu ka helay saaxiibkiisa Marcus Rashford oo kubadda garab kala soo xarooday.

Markale Man United oo marti loo ahaa ayaa goolka la baas la timid waxaana 35′ u dhaliyey Marouane Fellaini, kaddib markii uu lug ku dhammaystiray karoos uu dadab ka soo qaaday Ashley Young, Man United ayaana ciyaarta ku hoggaamisay 2-0.

Inkastoo labada kooxoodba ay soo martay qeybta hore kubbado ay goolal ku dhalin kareen haddana Man United uma suuro gelin inay goolka saddexaad dhaliso qeybta hore, halka Crystal Palace aysan gool dhalin qeybta hore ee kulankan sidaas ayaana lagu kala nastay Man United oo 2-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Man United ayaa la timid goolka saddexaad ee kulankan, waxaana laad xor ah oo uu meel u dhow halka koornada laga tuuro ka soo qaaday Marcus Rashford 49’daqiiqo dhammaystiray Marouane Fellaini, kaasoo kulanka ka dhigan 3-0 ay ku gacan sarreysay kooxda Jose Mourinho.

Man United oo sii wadata goolasheeda kulankan ayaana la timid goolka afaraad ee ciyaarta waxaana 86’daqiiqo kubbad uu soo dhigay Anthony Martial oo kulanka bedel ku soo galay goolka afkiisa ka helay oo dhammaystiray Romelu Lukaku, Man Utd ayaana kulankan ku adkaatay 4-0.

Hadda Man United waxa ay hoggaanka u haysaa kala horreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 19-dhibcood, laakiin waxaa ay ka war sugi doontaa kooxda ay dariska yihiin ee Man United oo goordhow la dheleysa Chelsea.

Leave a Reply

Your email address will not be published.