WARBIXIN: ROnaldo Oo Diidey In Cavani La Keeno Real madrid, Isagoona Codsadey in…………..

WARBIXIN: ROnaldo Oo Diidey In Cavani La Keeno Real madrid, Isagoona Codsadey in…………..

Shabakada Dan Ballon ayaa horey u sheegtay in Cristiano Ronaldo uu kasoo hor jeestay maamulka Real Madrid lasoo saxiixdaan Edinson Cavani.

Sababta ugu weyna waxay tahay in Ronaldo uu Cavani ku tilmaamay cayaaryahan dhuuni ah oo kaligiis wax walbo isla rabo.

Sidaa darteed Dan Ballon ayaa warbixin soo daabacday oo ay ku sheegeyso in Ronaldo uu soo dhaweeyay Real Madrid dib usoo ceshato Mesut Ozil oo qandaraaskiisa Arsenal sii dhamaanayo.

Macalin Zidane ayaa gudoomiye Perez weydiisay in Ozil laga hor istaago ku biiritaanka Barcelona lana keeno garoonka Bernabue si uu u buuxiyo booskii James Rodriguez baneeyay xagaagii dhawaa.

Sidoo kale Real Madrid waxay hormar wacan ka sameeneysaa soo qaashada Timo Werner oo naadiga RB Liepzig weerarka kaga cayaaro sidoo kalena xulka Jarmalka hada joogto ugu cayaaro.

Waxayna Madrid ku kalsoon tahay weeraryahankan dhalinta yar inay bisha Janaayo kusoo qaadan karto 45-milyan oo euro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.