Jose Mourinho Oo Diyaar U Ah Inuu Kusoo Celiyo Old Trafford Xiddig Hore Kaga Tagay & City Oo Dagaal Kula Jirta

Jose Mourinho Oo Diyaar U Ah Inuu Kusoo Celiyo Old Trafford Xiddig Hore Kaga Tagay & City Oo Dagaal Kula Jirta

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda New York Jack Harrison.

Harrison, oo 20 sano jir ah, ayaa qeyb ka ahaa akadeemiyadda caanka ah ee Manchester United isagoo kasoo garab ciyaaray Marcus Rashford.

Laakiin wuxuu kooxda ka tagay isagoo 14 jir ah madaama uusan mustaqbal ku laheyn Old Trafford, sidaasi darteed wuxuu isku dayay nasiibkiisa inuu markale ku tijaabiyo.

Waxa uu tan iyo markii uu ku biiray New York City FC noqday mid sameyn badan ku yeeshay kooxda uu hogaamiyo macalin Patrick Vieira.

Qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ayaa keentay in loogu yeero xulka England ee 21 jirada markii ugu horeysay isbuucan.

Wargeyska The Sun ayaa sheegay in hadda dalab uu ka helayo kooxdiisii hore ee Manchester United, kuwaasoo isha ku haya xaaladiisa.

Laakiin kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City ayaa kula dagaalameysa saxiixiisa ciyaaryahankaan dhalinyarada ah ee reer England.

Xiddiga khadka dhexe ayaa hore tababar ula qaatay kooxda Pep Guardiola ee Manchester City, taasoo caqabad weyn ku ah Manchester United.

Manchester City ayaa si gaar ah ula socta horumraka deg deg ah ee Harrison oo katirsan koxda ay xulafada yihiin ee New York.

Leave a Reply

Your email address will not be published.