Jose Mourinho oo isha ku haya inuu lasoo wareego mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Liverpool

Jose Mourinho oo isha ku haya inuu lasoo wareego mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Liverpool

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xaaladda xiddiga qadka dhexe ee kooxda Liverpool Emre Can, sida laga soo xigtay majaladda The Sun.

Man United ayaa qorsheyneysa inay saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Germany ku garaacdo kooxda Juventus. Iyadoo xiddigaani uu diidan yahay inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Liverpool, wuxuuna beeca xorta ah ku bixi karaa xagaaga soo aadan.

The Sun iyo wargeyska La Corriere dello Sport ayaa labaduba sheegaya inuu Jose Mourinho oo ah tababaraha Man United la socdo xaaladda xiddigaan, oo uu doonayo inuu ku xoojiyo qadkiisa dhexe, laakiin uma badna inay Liverpool ka iibiso bisha Jannaayo, weliba macquul ma ahan.

Mourinho ayaa u arka Can bedelka kabtanka Man United Michael Carrick. Wuxuuna qadka dhexe kula tartansiin doonaa xiddigaha Paul Pogba, Nemanja Matic, Ander Herrera iyo Marouane Fellaini.

Leave a Reply

Your email address will not be published.