Man United waxay walaac ka qabtaa Anthony Martial kooxaha qal qaalada ugu jiraan

Man United waxay walaac ka qabtaa Anthony Martial kooxaha qal qaalada ugu jiraan

Cayaaryahanka dhalinta yar Anthony Martial ee garbaha khadka dhexe ka duulo waxaa dabagal xoogan ku hayaan kooxaha Barcelona iyo Arsenal.

Man United ayaa walaac xoogan ka qabto qal qaalada ay saxiixa Martial ugu jiraan madaaama xidigaan lagu soo jiidanayo boos joogto ah.

Anthony Martial kama mid ahan cayaratooyda macalin Jose Mourinho joogtada u cayaarsiiyo sidaa darteed Arsenal iyo Barcelona boos joogto ah ayay xidigaan u balan qaadayaan.

Tababaraha Barcelona ayaa qaati ka taagan bandhiga liito ay muujinayaan Denis Suarez iyo Gerard Deulofeu halka saxiixiisa cusub Dembele isagana dhaawac mudo dheer ku maqnaan doono.

Sidaa darteed macalin Erneste Velverde wuxuu maamulka Barca ka dalbaday in bisha Janaayo Martial loo soo gacan galiyay.

Martial kaliya 139-daqiiqo ayuu EPL xili cayaareedkan cayaaray taasi oo muujineyso inuu yahay xidig inta badan kulamada badal kusoo galo.

Martial xagaagii 2015 wuxuu kasoo tagay Monaco ayadoo Man United markaas kusoo iibsatay £58million ilaa iminka 30-gool ayuu United u dhaliyay wuxuuna u saftay 100-kulan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.