Danny Rose Oo Kala Doortay Kooxaha Chelsea Iyo Manchester United- Midee Ayuu Ku Biirayaa?

Danny Rose Oo Kala Doortay Kooxaha Chelsea Iyo Manchester United- Midee Ayuu Ku Biirayaa?

Difaaca Tottenham Hotspur Danny Rose ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda Manchester United, waxaana uu iska diidi doonaa xiisaha kaga imaanaya kooxda Chelsea si uu ugu dhaqaaqo Old Trafford.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaan weli u ciyaarin kooxda Mauricio Pochettino xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawac, laakiin Ben Davies oo qaab ciyaareed cajiib ah kujira ayaa keeneysa in laga diro Spurs.

Rose ayaa lagu ganaaxay in laga jaro mushaarkiisa laba isbuuc ka dib markii uu dhaleeceeyay falsafada suuqa kooxdiisa.

Jose Mourinho ayaa qiray inuu ku faraxsan yahay saxiixa daafacaan, waxaana uu aaminsan yahay in Rose uu xal u noqon karo dhibaatada daafaca bidix ee kooxdiisa.

Antonio Conte ayaa doonayay inuu la saxiixdo daafacaan xagaagii lasoo dhaafay, laakiin xiddigii hore ee Leeds ayaa doonaya inuu hadda ku biiro United, sida laga soo xigtay Daily Star.

Manchester United ayaa £ 45m ku dooneysa daafacaan, waxaana ay ku rajo weyntahay in ay heshiis la gaarto bisha Janaayo.

Rose ayaa 12 bilood uu kaga harsan yahay qandaraaskiisa kooxda Tottenham Hotspur.

Leave a Reply

Your email address will not be published.