Gaari Ay La Socdeen Rag Shabaab Ah Oo Ku Qarxay Duleedka Magaalada Baledweyne

Gaari Ay La Socdeen Rag Shabaab Ah Oo Ku Qarxay Duleedka Magaalada Baledweyne

Ugu yaraan 7qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen  ka dib markii gaari ay la socdeen uu ku qarxay duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada dowladda.

Gaariga oo la sheegay in noociisa uu ahaa NOHO uu ku qarxay inta u dhaxeysa degaanada Durdur iyo  Luuq-Jeelow ee gobolka Gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay in gaariga Qarxay ay saarnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale wararku ay sheegayaan in Gaarigaasi ay ka buuxeen Waxyaaha Qarxa.

Ciidamada Ammaanka ayaa saldhig ku leh meel u dhow degaanka uu Qarxay Gaarigaasi, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku baxeen.

Aadan Maxamuud Calasow (Indha Buur) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay dadka deegaanka inay ku soo wargeliyeen arintaan.

“Waxaa igu maqaalo ah alaab oo wixii qarxaayay inuu iyaga la qarxay, wuxuu kula qarxay deegaanka Durdur, Durdur Baledweyne ayeey dhanka Koonfureed ka jirtaa illaa 40-KM, todobo nin ayaa ku dhimatay meeshaas iyada ah, gaarigaan waxyaabaha qarxa ayeey la saarnaayeen.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.