Man United oo loo sheegay qiimaha ay ku heli karaan Grathe Bale

Man United oo loo sheegay qiimaha ay ku heli karaan Grathe Bale

Xidiga reer Wales Grathe Bale kooxdiisa Real Madrid diyaar ayay u tahay inay xagaaga dambe iska iibiso xidigaan hoos u dhaca joogtada ah sameenayo.

Bale wuxuu dul qaadka ka lumiyay macalin Zidane iyo madaxweyne Perez waxaana loo sheegay kooxda Man United oo xidigaan xiiso u qabto inay la wareegi karto hadii ay bixiso £89m.

El Confidencial ayaa qortay in Real Madrid dhigeeda Man United ku wargalisay helitaanka Bale marka uu xili cayaareedkan soo idlaado sidoo kalena £89m laga siinayo xidigaan lugta bidix ku cayaaro.

Gudoomiye Perez ayaa doonayo inuu dib u helo lacagihii £85m uu Bale sanadii 2013 kaga soo iibsaday Tottenham waxayna lacagtaas u dhigmataa £89.3m hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.