OGOW: Maxaad Kala Socotaa Natiijada Dhaawaca Mane iyo Farxada Manchester United??

OGOW: Maxaad Kala Socotaa Natiijada Dhaawaca Mane iyo Farxada Manchester United??

Weeraryahanka kooxda Liverpool Sadio Mane ayaa la xaqiijiyey inuu muddo lix Isbuuc ah garoomada ka maqnaan doono ka dib markii uu dhaawac cajirka ah kasoo gaaray waajibka xulkiisa qaranka Senegal.

25 sanno jirkaan Sadio Mane ayaa wuxuu haatan seegi doonaa kulanka weyn ee ay Sabtida Liverpool wajaheyso kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Manchester United kana tirsan horyaalka England Premier League, ka dib markii uu dhaawac cajirka ah kasoo gaaray kulankii ay xulkiisa Senegal guusha 2-0 ah ka gaareen xulka Cape Verde isreebreebka Koobka Adduunka, ciyaartaas oo dhacday Sabtidii.

Mane, oo seddax gool dhaliyey afar kulan oo horyaalka EPL ah oo uu ciyaaray ololahaan ayaa la bedelay daqiiqadii 89aad ee kulankaas, Liverpool ayaana haatan xaqiijisay inuu lix Isbuuc garoomada ka maqnaan doono Mane – kaasoo ku jira liiska 30ka ciyaaryahan ee u sharraxan abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadkaan 2017ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.