Shirka Madaxda Gobolada oo lasoo gabagabeeyay iyo Natiijo maanta laga filaayo Madaxda

Shirka Madaxda Gobolada oo lasoo gabagabeeyay iyo Natiijo maanta laga filaayo Madaxda

Shirkii ka socday magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa la sheegay in uu soo dhamaaday Xalay oo ay qodobo ku heshiiyeen Madaxdii ka qeyb galeysay Shirkaasi.

Hogaamiyaasha Shirka ayaa diiradda saaray qodobo xasaasi ah oo ka taagan Soomaaliya waxaana taagnaa dodo kulul oo dhinacyada yeesheen.

Qodobada qaar ayaa la isku afgartay waxaana qaarkood la xaqiijiyay in lagu heshiin waayay waxaana la filayaa in maanta la soo saaro War-murtiyeed ku saabsan Shirkooda.

Qodobada lagu heshiiyay oo ay sida hor dhaca ah u heshay warbaahinta ayaa waxaa ka mid ah

In dib loo soo celiyo Madasha Wadatashiga Qaran iyo laga tala giliyo Wixii la xariira Lacagta, Ciidanka iyo Xariirka Caalamiga ah sidoo kale waxa ay qaar ka mid ah Soo jeediyeen in xariirka loo jaro Dowladda Soomaaliya in kastoo qdobkaas la isku afgaran waayay.

Si walba maanta ayaa la dhowraya in ay soo saaraan Warsaxaafadeed ku aadan Shirkooda waxaana jira walaac xoog leh oo laga muujinayo qdobada Shirkaasi ka soo bixi karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.