Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada Soomaaliya oo iscasilay

Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada Soomaaliya oo iscasilay

Wararka ka imaanayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu iscasilay wasiirkii Gaashaandhigga dowladda federaalka.

Waxaa lagu warramayaa in Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed uu warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada.

Waxaa la sheegayaa in laga aqbalay warqadda uu xilka uga tagay wasiirka. Lama oga sababta uu wasiirkii Gaashaandhigga isu casilay.

Dhanka kale, Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa iscasilay.

Ka dib markii taliyaha uu xilka ka tagay, madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa magacaabay Taliye cusub oo ay ka dhigeen Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod).

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa BBC Somali u xaqiijiyay iscasilaadda saraakiishaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.