Ehelada Gabadhii lagu dhibaateeyay Boosaaso oo dalbaday Caddaalad

Ehelada Gabadhii lagu dhibaateeyay Boosaaso oo dalbaday Caddaalad

Qaar ka mid ah ehelada Faa’iso Maxamed Cabdi Xayi oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale dalbaday in Cadaaladda si deg deg ah loo horkeeno askariga ka tirsan ciidanka Puntland ee isku dayay inuu kufsado Faa’iso Maxamed Cabdi Xayi, waxaana sida la xaqiijiyay uu xabad kaga dhuftay qeybta ugu muhiimsan jirkeeda taasi oo keentay in dhaawac culus uu soo gaaro.

Ehelada ayaa beeniyay in aysan jirin kulan ay la qaateen ehelada askariga dhibka geystay iyo masuuliyiinta puntland.

Waxa ay sidoo kale sheegay in aysan jirin cid la soo xiriirtay oo dhibka gabadhooda lagu sameeyay kala hadashay

Qaar ka mid ah ehelada oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan puntland ay si aan habooneyn ugu hadleyn dhibkii dhacay isla markaana ka been abuuray sida ay wax u dhaceen.

Maxamed Cabdi Xayi oo ah aabaha dhalay Faa’iso oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xaalada gabadhiisa ay tahay mid halis ah oo ay u dhaxeyso sida uu sheegay geeri iyo nolol.

Faa’iso Maxamed Cabdi Xayi oo ah gabar da’ yar ah ayaa hada waxaa lagu dabiibayaa mid ka mid ah isbitaalada ku yaallo muqdisho, waxaana dhibka uu ku soo gaaray xilli ay ku sugneyd Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.

Askariga dhibka geystay oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa waxaa  lagu magacaabaa C/risaaq Warsame  waxa uuna hada ku jiraa gacanta ciidamada amaanka puntland ka dib markii laga soo qabtay isagoo baxsad ah Magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.