Raila Odinga oo hanjabaad ka keenay Guusha Uhurro Kenyatta ee Maxkamadu Ayiday

Raila Odinga oo hanjabaad ka keenay Guusha Uhurro Kenyatta ee Maxkamadu Ayiday

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka (Nasa) Raila Odinga ayaa ka hadlay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo ayiday guusha madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Mr Odinga, oo hadal ka soo baxay usoo gudbiyay lataliyihiisa Salim Lone, ayaa sheegay in xukuumadda Jubilee ay tahay mid sharci-darro ah, isaga oo intaa ku daray in go’aanka Maxkamadda Sare uu ku yimid cadaadis iyo xaalad adag.

“Madaxa mucaaradka Nasa ayaa si joogta ah ugu dhawaaqay ka hor go’aanka Maxkamada Sare ee maanta in uu u arko xukuumaddani inay tahay mid sharci darro ah mana aqoonsanin,” ayuu yiri.

“Aragtidaanada waxba kama beddeleeso go’aanka maxkamadda, oo aan la yaabeenin waxay ahayd go’aan laga gaaray hoosta. Mana cambaareeneeno maxkamada, waanu u beer jileeceena waayo waa la haystayaal aan gaari Karin go’aan madaxbanaan . ”

Guusha Mr Kenyatta ee doorashadii 26ka Oktoobar ayaa waxaa si wada jir ah u taageeray lixda garsoore ee dacwada dhageesanayay ee Maxkamadda Sare.

Leave a Reply

Your email address will not be published.