War Deg Deg:Saxaafada Oo Looga Yeeray Xarunta Gudiga Doorashada Somaliland.

War Deg Deg:Saxaafada Oo Looga Yeeray Xarunta Gudiga Doorashada Somaliland.

Wararka naga Soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in goordhow wariyaasha looga yeeray xarunta gudigga doorashada Soomaaliland,iyadoona la filayo in daqiiqado kadib lagu dhawaaqo natiijada doorashada.

Hayeeshee Waxaa jira walaac xoogan uu muujinayo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee wadani Dr Cirro,kaasi oo ku aadan in lagu shubtay doorashada Madaxtinimada ee ka dhacday deegaanada Maamulka Soomaaliland 13 bishan.

Shacabka ku nool degaanada Soomaaliland ayaa maanta waxaa ay aad u dhowrayaan natiijada ka soo bixi karta doorashada,islamarkaana waxaa ay isha ku hayaan cida soo bixi doonto sedexda xisbi ee kala ah kulmiye,UCID iyo Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Leave a Reply

Your email address will not be published.