Xulka kubadda cagta Jubbaland oo ku guuleystay ciyaaraha maamul goboleedyada Somalia

Xulka kubadda cagta Jubbaland oo ku guuleystay ciyaaraha maamul goboleedyada Somalia

Tartankii ciyaaraha maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u soo geban-gebooboy, iyadoo ciyaartoyda  kubadda cagta ee Jubbaland ay ku guuleysteen tartanka kaddib markii ay ciyaartii Finalka  ahayd 1-0 uga badiyeen xulka Puntland oo tartankan ku guuleystay sanadkii hore.

CiyaartoydaJubbaland ayaa  soo bandhigay ciyaar wanaag, iyadoo xamaasad weyn laga dareemayay taageerayaasha labada dhinac oo garoonka Banaadir Stadium ku wada sugnaa.

Xulka Jubbaland ayaa goolka dhaliyay daqiiqadii 74aad ee qeybta labaad ee ciyaarta, waxaaa mar qura isqabsaday sawaxan taageero ka muuqatay oo ay ku dabaal degayeen taageerayaasha Jubbaland.

Waxaa garoonka ku sugnaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda iyo saraakiisha ammaanka.

R’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa koobka guddoonsiyay xulka Jubbaland, taasi oo qeyb ka ah dhiiro gelinta ciyaartoydaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaaraha guddoonsiiyay koob sharfeed oo ku aadan dadaalkii wasaaraddu ay ku bixisay habsami u socdodka tartankan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.