Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Wararka inaga soo gaaraya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in degaan hoostaga degmadaasi uu xalay ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab iyo Ciidanka Millitariga Soomaaliya eek u sugan Gobolkaasi.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogaga Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Millitariga ay ku leeyihiin degaanka uu dagaalka ka dhacay, waxaana uu dagaalka uu socday mudo saacad iyo ka badan.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay degaankaasi, maadaama dagaalka uu dhacay xilli habeen ah ayna adag tahay in la ogaado khasaaraha rasmiga ah.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada ay iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday,  khasaara badana uusan dhankooda soo gaarin.

Ciidamada Dowladda Federaalka  ayaa saakay bilaabay Howlgallo amni xaqiijin ah iyo sidii gacanta loagu soo dhigi xubnihii Shabaabka tirsanaa ee weerarka soo qaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.