Faahfaahin kasoo baxeysa Gaari lagu weeraray duleedka magaalada Muqdisho

Faahfaahin kasoo baxeysa Gaari lagu weeraray duleedka magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa weerar ay ku qaaday gaari nuuca raaxada ah oo marayay gudaha deegaankaasi.

Waxaana la sheegay in ay dhaawaceen Darawalkii gaarigaasi, iyagoona ka xeystay, isaga oo dhaawac ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Kooxaha fuliyay weerarkaasi ay ku hubeysnaayeen Bastoolado, islamarkaana ay goobta uga baxsadeen gaari ay wateen.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxaya Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku aadan weerarkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.