Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhulka ah maanta ku tagi doona magaalada Boosaaso

Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhulka ah maanta ku tagi doona magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maanta la filayaa in uu gaaro Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Qabanqaabada soo dhaweynta Mdaxweyne Farmaajo ayaa si weyn looga dareemayaa Boosaaso, iyadoona si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaaladaasi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa saacadaha soo socdo ee maanta lagu wadaa in Safar dhulka ah ay ku gaaraan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha ayaa xog wareysan doono Maamulka Magaaladaasi Boosaaso, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shalay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho ee G/ Karkaar, halkaas oo uu goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka oo isugu soo baxay soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.